U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe “Hala Joojiyo Wadahadallada Soomaaliya Iyo Somaliland”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ka dib markii uu kasoo laabtay dalka dibadiisa.

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay gabi ahaanba in la joojiyo wadahadalka dowladda Federaalka iyo Somaliland, isaga oo ku eedeeyay dowladda Federaalka in aysan wada hadalkaasi diyaar u ahayn.

Waraabe ayaa tilmaamay in Dowladda uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ay wado qorshe uu sheegay in ay isaga horkeenayso Somaliland, sidaa darteedna aysan macquul noqoneyn wada hadalka u lasii wado waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa loo baahan yahay in la joojiyo wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama aanu halkaa dowlad ka jirin, oo dowladda Xasan Sheekh ay xooga saartay sidii ay Somaliland isaga horkeeni lahayd, sidoo kalena ay fashilmeen maamul gobaleedyadii, marka waxaa nalooga baahan yahay in aanay wax wada hadal ah la galin dowladaan maanta jirta illaa laga helo dowlad hagaagsan” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Bishii aynu kasoo gudubnay ee March Seddaxdii waxaa fashilmay wada hadal ay lahaayeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kaasi oo ka dhacayay Istanbul, ka dib markii Somaliland ay diiday in xubno matalayay dowladda Federaalka ay shirkaasi ka qeybgalaan.

Goobjoog News