U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Digay Burbur Ku Yimaada Xisbiga Kulmiye Ee Somaliland

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka digay in burbur uu xilligaan ku yimaado xisbiga Kulmiye ee haya talada maamulkaasi.

Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay khilaafka xooggan ee xilligaan ka dhex taagan xisbiga Kulmiye, isaga oo sheegay in khilaaf uu keeni doono oo kaliya dhibaato hor leh iyo in xisbigu uu kala tago.

Waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu jiro muddo 12 sano ah, islamarkaana wadada uu hadda ku taagan yahay tahay middii Burburka, sidaa darteed uu ku talin lahaa in xaaladda sida ay tahay wax laga bedalo.

“Waa meel aan wanaagsaneen halka hadda uu ku socdo xisbiga Kulmiye, ma dooneyno in xisbi weyn uu inaga burburo, mid baa horay inooga burburay, wax walba oo jira is maqal halagu xalliyo” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Xisbiga Kulmiye ayaa xilligaan waxaa ka dhex jirta xiisad siyaasadeed xooggan, waxaana dhawaan si casilay wasiiro ku dhaw 10, ka dib muran soo kala dhex galay iyaga iyo madaxweyne Siilaanyo.

Goobjoog News