U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe “Xasan Sheekh Muran Buu Geliyay Dalka Mudadii Uu Shaqeynayay”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in mudadii uu shaqeynayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu muran badan geliyay dalka.

Waxa uu tilmaamay in khilaafyo badan uu ka jiro maamul gobaleedyada dalka ka jira, islamarkaana ay arrintaasi uu hormuud ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Xasan Sheekh muran buu geliyay dalka mudadii uu shaqeynayay, waxaad aragtaa in muran ka taagan yahay Kismaayo, Cadaado iyo meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, midda kale Soomaaliya waxaa ka socda cadaalad darro, maamulo aan jirin baa dadka lagu qasbayaa” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xafiiska waaxda socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya ka furtay degmada Buuhoodle, isaga oo sheegay in taasi aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin Somaliland.

“Boohoodle waa magaalo yar, maamulka ma aanu gaarin, anagane ma dooneyno in dagaal lagu qaado, Cali Galeyr in dadka dagaal lagu qaado Buu rabaa, laakiinse xafiis yar oo Baasaboor lagu iibiyo waxba inooma dhibayo” ayuu yiri Waraabe.

Ugu dambeyn Injineer Faysal Cali Wareeb ayaa sheegay in wada hadal ay kula jiraan waxgaradka ku dhaqan degmada Buuhoodle, islamarkaana dhawaan maamulka Somaliland lagu baahin doono.

Goobjoog News