U bood dhigaalka

Faysal Cali Ware oo Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani Eedeyn Usoo Jeediyay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa si aad ah u dhaliilay siyaasadda Labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani oo uu ku tilmaamay kuwo qabyaalad lasoo banbaxay, isagoona dhalinyarada Somaliland ugu baaqay iney iska jiraan qabiilka oo khasaare mooyaane aan wax faa’ido ah lahayn.

Faysal Cali Waraabe oo safar dhanka Itoobiya ah ugu ambabaxay 16 bishii hore ayaa markii uu soo noqday ka dib maalinimadii shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Faysal ugu horreyn waxa uu ka hadlay shirkii xubnah Khaatumo ay kula yeesheen dalka Itoobiya oo si fiican ugu soo qabsoomay, iyo safar kale oo uu ku tagay dalka Kuwait oo arrimo ku saabsan dhanka abaaraha ay u tageen.

Guddoomiye Faysal Cali ayaa si aad ah u dhaliilay siyaasadda labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani oo uu ku tilmaamay mid dib u soo nooleynaysa qabyaaladda:

“Waxaa foolxumo ah qabyaaladda, Somaalidu way ina tuhmi jirtaye tuhunkii ayaa maanta meesha ka baxay, waxaa la oran jiray reer waqooyigu waa niman mutacillimiin ah waa niman ilbax ah, shawo reer miyi bilaa akhlaaq ah ayaynu ahayn”.

Waxa uu tilmaamay in dad badani ay maanta ku dagaalamayaan kuraastii Dir-waqooyi ee beelaha Somaliland ay ka heleen Baarlamaanka Somaliya, isagoo arrinkaa ku tilmaamay siyaasad xumada xukuumadda Somaliland:

“Caruurtii wey niyad jabeen, badday isku tuurayaan Xamar bay tagayaan, waa ogtihiino maanta 4-tii kursi ee Dir-waqooyi loo bixiyay dagaalka ka socda waad yaabaysaa, waa la wadatagay, waa waxyaabaha ay ku sheekaystaan wallaweyntuna wayska imandoonaane, weyna u muuqataa  iney iska imandoono(ku biiri doonno),  mar haddii waxeennu qabiil ka bixi waayay”.

Waxa dhalinyarada Somaliland ugu baaqay iney iska jiraan qabiilka, sida uu Soomaaliya u galayna ay ku cibro qaataan:

“Dhalinyarta waxaan leeyahay qabiil Baasaboor ma bixiyo, scholarship ma bixiyo shaqo ma bixiyo, waddo ma dhiso, qabiil waxbuu dumiyaa Soomaaliya wixii dumiyay qabiil buu ahaa”.

Guddoomiye Faysal waxa uu ugu baaqay madaxda Somaliland iney isha ku hayaan madaxda dowaladda Soomaaliya ee dhawaan la filayo iney ku soo baxaan xilalka ugu sarsareeya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya:

“Dowlad baa Soomaaliya ka soo cosota iney la soconno ayay ahayd ineynu aad u eegno ayay ahayd uma jeednaba, shirkii Khaatumo in la dedejiyo ayay u baahan tahay, yaanuu jiitamin”.

Labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ayaa si aad ah isku dhaliilayay maalmihii lasoo dhaafay, hadallo xanafleh ah isku mariyay saxaafadda, iyadoo taasi ay keentay iney dadbadan walwal ka muujiyee dhibaatada ka dhalan karta haddii arrintaasi soo socoto.

Goobjoog News