U bood dhigaalka

February Kadib, Farmaajo oo Markii 3-aad Furay Shir Hourdhac ah oo Aaney Joogin Puntland iyo Jubbaland

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta furay shirkii 3-aad ee uu ku sheegay ‘shir horudhac ah’ oo ay ka maqan yihiin madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland.

Shirarkan horudhaca waxaa ay dhaceen maanta oo Afisyooni ah marka lagu daro, gudaha Villa Somalia oo shir ka dhacay 21-kii Febraayo iyo Dhuusamareeb 1-dii Febraayo.

Shirarkaas waxaa joogay madaxda ologga la ah Farmaajo sida Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xaraa ra’isul wasaare Rooble.