U bood dhigaalka

FEIT Oo Amar soo Saartay

Sheeko:Amniga

Guddiga doorashooyinka heer federaal FEIT ayaa amray in la dedejiyo dhaarinta xildhibaannada golaha shacabka ee lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobalka Gedo.

War ka soo baxay guddiga FEIT ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay dardar gelinta dhameystirka howlaha doorashooyinka dalka.

Ceelwaaq ayaa shalay iyo maanta lagu doortay 16-kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.