U bood dhigaalka

FEIT Oo Doortay Guddoomiye Cusub

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Heer federaal ee dalka.

Doorashadaan oo ay kuwada tartameen musharixiinta kala ah Muuse Geelle Yuusuf iyo Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan, ayaa Muuse geelle loogu doortay guddoomiyaha gudda FEIT kadib markii uu helay codad gaaraya 14 cod.

Muuse geelle ayaa horay u soo noqday guddoomiyaha gobalka bari ee maamulka Puntland, waxaana la sheegay in musharaxaan uu ka socday garabka ra’iisul wasaaraha.

Goobjoog News