U bood dhigaalka

FEIT Oo Maanta Guddoomiye Dooranaya

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in magaalada muqdisho lagu doorto guddoomiyaha guddiga doorashooyinka FEIT.

Maxamed Xasan Cirro, oo ahaa guddoomiyihii hore ee guddiga ayaa dhawaan xilka qaadis waxaa ku sameeyay xubnaha guddiga doorashooyinka dalka.

Cabdiraxiim Cabdicasiis oo ka tirsan guddiga FEIT iyo Muuse Geelle ayaa illa iyo hadda la sheegaya in yihiin musharixiinta ugu cad cad ee guddomiyaha guddiga.

Magaalada muqisho ayaa waxaa hadda ka socda diyaar garowgii ugu dambeyay ee doorashada guddoonka taas oo saacadaha soo socda lagu wado in ay bililaabato.

Maxamed Xasan Ciro ayaa horay loogu eedeyay shaqa gudasho la’aan iyo ku milanka siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira, taas oo sababtay in xilka laga qaado.

Goobjoog News