Guddiga doorashooyinka heer Federaal FEIT ayaa ku dhawaaqay in dib loogu celiyo doorashada afar kursi oo kala ah HOP#154, HOP#103, HOP#086 iyo HOP#204.
Kuraastaan ayay guddigu sheegeen in aan loo marin habraacii rasmiga ahaa ee loogu talagay doorashada sidaas darteedna loo baahan yahay in dib loogu noqdo doorashada afartaas kursi.
HOP#154:Â Waxaa kursigaan horay ugu fadhisay xildhibaanad Sareeda Maxamed Cabdalla oo dib ugu soo noqotay xilli doorashadeeda muran badan uu hareeyayÂ
HOP#103:Â Waxaa kursigaan horay ugu fadhiyay xildhibaan Prof Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo laba jeer soo noqday guddoomiyaha golaha shacabka, kaas oo sheegay in loo diiday in kursigaan uu u tartamo waxaana ku soo baxay Maxamed Cali Xasan.
HOP#086:Â Waxaa kursigaan horay ugu fadhiyay xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir waxaana hadda loo doortay Fahad Yaasiin Xaaji Dhaahir oo huwan eedo badan oo ay qayb ka yihiin dilal.
HOP#204:Â Waxaa kursigaan horay ugu fadhiyay xildhibaan Macallin Cali Aadan, waxaana loo diiday in ay u tartamaan kursigaan musharixiin uu ka mid yahay wasiirka gaashaan dhigga Maxamed Nuur (Jaamac), waxaana hadda loo doortay kursigaan Isaag Cali Subag.
