U bood dhigaalka

Felix oo aan Caddeyn Go’aankiisa Muddo Kordhinta Farmaajo, Akhriso Hummaagga Safarka Kinshasa!

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Democratic Republic of Congo ahna madaxa midowga Afrika Felix Tshisekedi  oo kulan 2 saac ah isniintii Kinshasa kula qaatay madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaanan caddeyn mowqifkiisa ku aadan muddo kordhinta labada sano ee iskiis ugu dhufsaday ninka martida ah.

Kulanka kadib, qoraal ay madaxtooyada DRC soo dhigtay Twitter-ka waxaa lagu sheegay in Farmaajo ka dalbaday  hoggaamiyaha Midowga Afrika Felix Tshisekedi inuu dhexdhexaadiyo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo saamileyda Soomaaliyeed, isla markaana wixii khilaaf ah oo Afrika dhexdeeda ay Afrika dhameyso.

Tallaabadan oo ku eg mid Farmaajo uga baxsanayo diidmada go’aankiisa muddo kordhinta ee saamileyda Soomaaliyeed iyo cadaadiska beesha caalamka gaar ahaan Yurub iyo Mareykanka oo kala doorsiiyey inuu ka tanaasulo muddo kordhinta, kuna laabto teendhada ama la cunaqabateynayo ayuu la aaday madaxweynaha ay Qatar saxiibka yihiin ahna madaxa xilligan ee midowga Afrika Felix si uu uga helo taageero muddo kordhinta, tiiyoo aaney muuqan inuu guul kasoo gaaray.

17-kii bishan ayey beesha caalamka waxaa ay Farmaajo ugu yeertay Afisyooni, Xalane iyaga oo la hordhigay inuu ka laabto muddo kordhinta, dibna ugu laabto teendhada si loo ambaqaado dhameystirka heshiiskii doorasho ee September 17, taasi badalkeeda waxaa uu u caray Kinshasa si uu waqti iyo taageero u helo.

Dhankiisa, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay arrinka muddo kordhinta waxaa uu u muuqdaa inuu ku adkeysanayo isaga oo midowga Afrika ka dalbaday iney fududeeyaan wada hadal dhex mara Soomaalida, oo lagu taageerayo go’aankaas.

Mar uu ka hadlayey shir jaraa’id uu Kinshasa kula lahaa madaxweynaha DRC and madaxa midowga Afrika Felix Tshisekedi  ayuu sheegay inuu dhammaan beesha caalamka ugu baaqayo iney taageeraan go’aanka golaha shacabka ee taariikhiga ah.

Farmaajo oo arrinkaas ka hadalaya ayaa yiri “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan saxiibada Soomaaliya oo ay ku jirto AU oo aad adiga madax ka tahay iney taageeraan go’aanka doorashada taariikhiga ah iney waqtigeeda ku dhacdo”.

Madaxweynihii hore oo sii hadlaya waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Dowladdeyda waxaa ay soo dhoweyneysaa kaalin AU ee fududeynta wada hadal ay Soomaalida hormuud ka tahay, oo ay ku wada hadlayaan dhammaan saamileyda oo ay k aka wada hadlaan doorashada iyo nimaadka dowladda, waxaan madaxweynaha AU ka codsaneynaa iney gacan na siiyo soo celinta kalsoonida”.

Farmaajo ayaa u muuqda inuu sahashanayo hadallada iyo cadaadiska madasha badbaado qaran iyo maamul goboleedyada, isaga oo haddii Afrika ay taageerto, oo beesha caalamka lagala hadlo is tusay inuu Soomaalida ka guuleysan karo, taasi oo nafteeda noqon karta qar iska tuurnnimo iyo xisaab kale oo qaldan uu isku dhufsanayo.

Goobjoog News