U bood dhigaalka

Feltman iyo Keating oo la Kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Jawaari

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho madaxda dowladda kulamo kula qaatay ku xigeenka Ban Ki Moon ee dhanka siyaasadda Jeffrey Feltman iyo wakiilka xogeyaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomalaiya Michael Keating.


Labada nin waxaa ay ugu horeyn la kulmeen Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamud iyagoo halkaas ku kala qaatay warbixin.


Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga hadlay Arrimo badan oo quseya Marxaladda Soomaaliya iyo sidii Qaramada Midoobay ay u sii wadi laheyd Taageerada Soomaaliya ay siiso.


Dhinaca kale waxaa ay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari iyagoo kala hadlay xaaladda dalka, hiigsiga iyo arrimo la xiriira baarlamaanka dalka.


Jeffrey Feltman waxaa uu soo dhaweeyay go’aankii dhawaan lagu gaaray in labada aqal ee baarlamaanka haweenka laga siiyo 30%.


Waxaa ay labada nin balan qaadeen in ay garab taagan yihiin dadka soomaaliya iyo dowladda inataba.

Goobjoog News