U bood dhigaalka

Feysal Cali Waraabe ” Wadahadaladii Somaliland waan joojineynaa”

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo maanta ka qeyb galay doorashooyinka isku sidkan ee Somaliland ayaa sheegay in ay somaliland wadahadaladii ay kula jirtay soomaaliya ay joojineyso .

Feysal Cali Waraabe oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog  ayaa sheegay in Soomaaliya ay iska deyso baadi goobka ay ku heyso midnimada balse loo baahan yahay in ay iyada isbaadi goobto .

“Waxaan idiin rajeynaya soomaaliyaay in aad is xoreysaan dalkiina dalkiina gacanta ku qabsataan iska deysaan Somaliland aad baadi goobeysa ee idnku isbaadi gooba idinkaa is la’ee idinkana guul baa idiin rajeynaya, Wadahadaladii Somaliland waan joojineynaa soomaali waa dal madax banaan, waxaan ula fariisano carruurtii kacaanka ma jirto iyo haraagi afweyne”

Goobjoog News