Fikrad: Dhacdooyinkii Is Xigxigay Iyo Falcelin Aan Laga Fiirsan

Laga soo billaabo 8-dii Febraayo markii la doortay madaxweyne  Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo,  dadweynuhu waxa ay u muujiyeen taageero weyn kana badan intii ay u hayeen madaxweyneyaashii iyo dowladihii isaga ka horeeyay,  waxaa muuqatay ifafaalo nabadeed iyo dowlad jecli, dadku si niyad ah ayay dowladda ugu hanweynaayeen taas oo dowlado badan oo dariska ah feejignaan iyo cabsi galisay.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in muhiimadda koowaad uu siin doono sidii ciidamada qaranka loo dhisi lahaa,  ciidadama nabad ilaalinta ee AMISOM-na loo saari lahaa taasna waxa ay noqotay tillaabo mar kale beesha caalamka iyo wadamada ciidamadoodu ay Soomaaliya joogaan ay walwal iyo taxadar ka muujiyaan.

Mar kale madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadi doonto ayna billaabi doonaan hawlgal ka dhan ah xarakada,  taasina waxay keentay in qaraxyo iyo dilal intii hore ka badan ay ka billowdaan magaalada Muqdisho.

Ayada oo Dowladda ay ku xeeranyihiin xaalado kala duwan oo ka heysta dibadda iyo gudaha ayaa waxaa hal mar dhacay dhacdooyin is xigxigay kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay siyaasadda dalka oo weliba keenay in shacabkii badnaa ee taageersanaa Farmaajo qaarkood ay mucaarad noqdaan, waxaa kaloo baarlamaakna dhexdiisa ka billowday nuxnux muujinaysa in dowladda aan sidii hore loola dhacsanayn.

Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee dowladda gilgilay waxaa ka mid ahaa:  

  1. Dhacdadii Bariire: 24kii bishii sideedaad subax Jimce ah waxaa hawl ay qaadeen ciidamada Soomaaliyeed oo taageero ka helaya kuwo Maraykan ah lagu dilay 10 qof oo rayid ahaa oo isugu jiray ganacsato iyo caruur reer Bariire ah, hawlgalkaas markuu soo idlaaday ciidamadiina ay soo laabteen ayaa wasiiro ka tirsan dowladda waxay baraha bulshada ku soo qoreen in dadka la dilay ay ahaayeen Alshabaab oo aan dad rayid ahna wax ku gaarin halkaasi.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada fikir kaas ka duwan soo dhigay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo eedeyn kala duldhacay wasiirada qaarkii dadka la dilay ku sheegay Alshabaab waxayna waliba ku hanjabeen in ay la xisaabtami doonaan.

Waqti kadib ayaa hadana isla wasiiraddii waxay soo qoreen in warkii hore uu qalad ahaa ayna soo ogaadeen in dadka la dilay ay shacab ahaayeen, waxaana sidoo kale xafiiska Raisulwasaare ku xigeenka kazoo baxday warqad wasiirada looga mamnuucayo inay arimaha siyaadda ee xasaasiga ah u adeegsadaan baraha bulshada ogolaansho la’aan.

  1. Codsiga ciidamada Mareykanka: Warqad ka soo baxday xafiiska wasaaradda arimaha dibadda ayaa safiirka Mareykanka ee dalka Soomaaliya Mr. Stephan Schwartz looga codsaday in dalkiisu uu ciidamo u soo diro Soomaaliya si ay uga taageeraan la dagaalanka Alshabaab iyo ururka ISIS. Warqadda waxaa lagu sheegay in ururadaas ay dhul cusub qabsadeen ayna rabaan in Yuuraaniyamka Soomaaliya ay u dhoofiyaan dalka IRAN arintaas oo wax cadeyn ah aan loo hayn.

In ciidamado shisheeye la codsado ma ahan arin fudud waa go’aan u baahan in ay ansixiyaan baarlamaanka Soomaaliyeed laakiin wax faahfaahin ah oo dheeri ah lagama haayo iyo cidda ku dhalisay wasaaradda in ay warqaddaas dirto iyo waliba cidda la og intaba laakiin waa arin culus oo haddii ay suurtowdo yeelan karta saameyn ballaaran.

  1. Qalbi Dhagax: Cabdikariim Sheekh Muuse oo loo yaqaanay qalbi-dhagax kana tirsanaa Jabhadda xoreynta Ogaadeeniya ee loo yaqaan ONLF kahorna ka tirsanaa ciidama qaranka ayaa 23ka Agoosto laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo waxaana loosoo doofiyay magaalada Muqdisho laguna wareejiyay dowladda federaalka ah, ayadoo haddana laga sii dhoofiyey magaalada Muqdisho laguna wareejiya dowladda Ethiopia.

Wareejina Col. Qalbidhagax waxaa ka dhashay xaalad kacsananaan, Baarlamaanka ayaa billaabay inay kulamo deg-deg ah yeeshaan ayagoo ka carooday sida fudud ee loo dhiibay muwaadinkaas Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale baraha bulshada qabsaday dadweyne taageersan go’aanka lagu dhiibay Qalbidhagax oo u arkaayay inuu yahay Ethiopian dalkiisa dambi ka galay dibna loogu celiyay.

Laakiin waxaa intaas oo dhan ka saameyn badnaa inta badan shacabka oo baraaha bulshada ku harqiyay sawirada Qalbidhagax oo ay taageero aad u wayn u muujinayeen, familkiisa oo wareysiyo laga soo duubay ayaa sidoo kale barbay socday.

Waxyaabihii ugu saameynta badnaa ee waxay ahayd Hashtag loogu magic daray #BringBackQalnidhagax ama               #Qalbidhagax_Dib_Usoo_celi dad badan ayaa isticmaalayay wuxuuna can ka noqday Soomaalida dhexdeeda.

Hadalheyntaas iyo mucaaraddo cusub ayay dowladddu dareentay laakiin wax hadal ah ma aysan samayn meel talo laga billaabo ayaa la raadinayaa, waxay ogaatay in arinta qalbi-dhagax ay ku waayeen shacab badan oo taageersanaa mucaaradkoodii horena ay kusoo noolaanayaan arintaas haddii ana lasoo afjarin, waxaa suuqa lasoo galiyay in si arintaas loo damiyo ay is casili doonaan taliyeyaal ama xataa Raisulwasaare Kheyre laga yaabo in uu xafiiska ka tago.

  1. Go’aanka ONLF: kadib soo qabashii Qalbi-dhagax iyo kuwareejintii dalka Ethiopia ee keentay in shacab badan ay kacaan, waxa ay dowladdu ku mashquulsaneyd muddo asbuuc ah xal u helidda arintaas meelo badan ayaa xal laga raadiyay laakiin waa suuroobi wayday, waxaa la isku dayay in saraakiil xilka laga ceyriyo nasiib xumose waa cuntami wayday, habeenno badan oo soo jeed ah iyo talooyin badan oo la isku soo aruuriyay waxaa lagu isku af gartay in arinta Qalbi-dhagax shacabka laga jaahil bixiyo.

Arbaco 6da Sebteember ayaa kulan degdeg ah la isugu yeeray golaha wasiiradda si go’aan mideysan looga qaato arinta welwelka badan ku haysa dowladda shacabkuna ay ka dhur sugayeen jawaabteeda, laakiin kulankii wasiiradda ee lays lahaa wax shacabku ku qancaan ayaa kasoo bixi doona wuxuu noqday “ka dar oo bidi dhal”.

Shirkii golaha wasiirada waxaa kasoo baxay in dhiibistii Qalbi-dhagax ay sax ahayd uuna ka tirsanaa ONLF oo ah urur argagisixo sidoo kale waxay wasiiraddu sheegeen in uu xariir la lahaa ururka alshabaab, go’aankaas wuxuu ka dhigan yahay in Soomaaliya ay noqotay wadankii ugu horeeyay ee ONLF u aqiinsada urur argagixiso.

Dhacdooyinkaas is xigxiga iyo go’aamo aan aad looga fiirsan ee laga qaatay waxay saamayn xoogan ku yeesheen xaaladda siyaasadda dalka waxayna sidoo kale hoos u dhigtay taageeradii shacabka, haddaba haddii ay hadleen wasiiraddii ayna go’aan soo saareen,  Malaga yaabaa in taageeradii luntay ee shacabka ay dib usoo laabato ama xaaladdu degto?

W/Q: Maxamed Deeq Taako.

Email: deeqaxmad15@gmail.com

Goobjoog News, waxaa ay soo dhaweyneysaa fikradaha akhristayaasha, kala soo xiriir: info@goobjoog.com

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW