U bood dhigaalka

Finland iyo Sweden Oo Codsaday Ku Biirista NATO

Sheeko:Amniga

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Finland, Sweden ay si rasmi ah u codsadeen inay ku soo biiraan isbahaysiga milatari ee ugu weyn adduunka NATO, tallaabadaas oo ay horseedday walaac xagga ammaanka ah oo ku saabsan dagaalka Ruushka ee Ukraine.

“Waxaan si diiran u soo dhaweynayaa codsiyada Finland iyo Sweden ee ah inay ku biiraan NATO. Waxaad tihiin saaxiibada noogu dhow, ” ayuu yiri Soltenberg .

“Tani waa waqti taariikhi ah, oo ay tahay in aan qabsanno,” ayuu yiri Xoghayaha guud ee NATO Stoltenberg.

Codsiga ayaa hadda horyaalla miiska NATO, waxaana la filayaa in ay mar dhaw miisaan saaraan wadamada gaashaanbuurta ku bahoobay.

Hawsha ku biiritaanka  ayaa la filayaa in ay qaadato ilaa laba toddobaad, in kasta oo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu muujiyay in uu ka walaacsan yahay ku biiritaanka Finland iyo Sweden.

Haddii diidmadiisa laga gudbo, oo wada-hadallada ku biiristoodu ay u dhacaan sidii la filayo, labadooduba waxay xubno ku noqon karaan dhowr bilood gudahood.

Nidaamka ku biiritaanka NATO, wuxuu inta badan qaataa siddeed ilaa 12 bilood, laakiin NATO waxay rabtaa inay si degdeg ah u dhaqaaqdo khatarta ka imanaysa Ruushka oo ku xiran madaxyada Waqooyiga Yurub.

Stoltenberg wuxuu sheegay in xulafada NATO “ay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan dhammaan arrimahaan oo ay gaaraan gabagabo degdeg ah.”

“Dhammaan xulafada waxay ku heshiiyaan muhiimadda ballaarinta NATO. Dhammaanteen waxaan isku raacsannahay in aan is garab istaagno, waxaana dhammaanteen isku raacsannahay in tani ay tahay waqti taariikhi ah oo ay tahay in aan la wareegno,” ayuu u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan xarunta NATO ee Brussels.

Ra’yiga dadweynaha ee Finland iyo Sweden ayaa si weyn u door biday xubinnimada tan iyo markii Ruushka uu galay Ukraine 24-kii Febraayo.

Goobjoog News