U bood dhigaalka

Fiqi Oo Ka Mid Noqday Xildhibaannada Aqalka Hoose

Sheeko:Dalka

Maanta waxaa ay doorashada aqalka hoose ka dhacday Galmudug iyo Hirshabeelle, waa labo ka mid 5 maamul goboleed ee doorashada aqalka hoose ay ka socoto.

Ilaa iyo hadda 174 Xildhibaan oo ka tirsan aqalka hoose ayaa lagu doortay gobollada dalka, 101-da dhiman ayaa lagu wadaa in la soo gabgabeeyo maalmaha soo socda.

Xildhibaannada maanta Cadaado lagu doortay waxaa ka mid ah Axmed Macalin Fiqi oo ah X.Guud ee xisbiga siyaasiga ah ee Daljir.

Mr. Fiqi May 2011-2013 waxaa uu ahaa Taliyaha Nabad sugidda qaranka, isagoo markii dambe jagadaas iska casilay.

Cadaado, waxaa kaloo la dooray Ubax Tahliil Warsame oo ka tirsaneed baarlamaanka 9-aad, 26 Xildhibaan ayaa lagu doortay Cadaado oo qeyb ka ah 36 laga sugayo.

Dhinaca kale waxaa ay doorasho ka dhcay magaalada Jowhar iyadoo halkaas lagu doortay labo Xildhibaan.

Xildhibaannada la doortay waxaa ka mid ah: Amina Maxamed Cabdi iyo Xuseen Cabdi Ilmi, 26 Xildhibaan ayaa ilaa iyo hadda lagu doortay Jowhar kuwaas oo qeyb ka ah 37 Xildhibaan oo gobolkaas laga sugayo.

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay istaajiyeen doorashada aqalka hoose, arrintaas oo horay ay u sheegeen in ay la xiriirto arrimo lacagta doorashada ah.