U bood dhigaalka

Fowsiyo Xaaji oo Ku Dhawaaqday Iney u Tartameyso Madaxweynnimo 2021-ka, Siyaasiyiin, Haween iyo Bulshada oo Taageeray

Sheeko:Amniga

Munaasibad weyn oo uu kasoo qeyb galay guddoomiyaha aqalka sare ee BF, xubno ka socday labada gole ee baarlamaanka federaalka, wasiirro, axsaab siyaasi ah, haweenka  iyo qeybaha bulshada rayidka ayaa talaadadii waxaa mushaxnimadeeda madaxweynnimo ku shaacisay Fowsiyo Xaaji Aadan.

Xaaji oo hadda ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah, waxaa ay aheyd haweeneyda keliya ee Soomaaliyeed ee noqotay ra’isul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda.

Dadkii munaasabadda ka hadlay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed Batuullo Gaballe.

Gaballe oo Fowsiyo fursadeeda ka hadleysa ayaa tiri “ “Waxay ila tahay mudanayaasha musharaxiinta ee u taagan maanta iney xilka qabtaan, qofka ugu mudan ee in la doorto ay tahay iney tahay gabar Soomaaliyeed, oo Fowsiyo ay waajib u yeelatay in la siiyo markan gabdhaha Soomaaliyeed.

Maama Batuulo oo sii hadlaya ayaa intaa ku dartay “Fowsiyo waxaa ay ka socotaa qabiilka ugu tirada badan oo Soomaaliyeed, qabiilka aan seexan habeenkii, qabiilka maalintii aan harsan, qabiilka qof inta dhibban yahay iyagu raba iney dhibka ka qaadaan, qabiilkaas waa gabdhaha Soomaaliyeed, oo ah meesha ay Soomaaliya ka nooshahay”.

Guddoomiyihii hore ee Wadajir Kamaal Guutaale ayaa ku ammaanay Fowsiyo Xaaji Aadan hal ku dheggeeda ah “Qadiyad iyo Qarannimo” isaga oo intaa raaciyey in xilligii ay wasaaradda arrimaha dibadda madaxa ka aheyd ay ka shaqeysay in madaxda Soomaalida ay si toos aqalka cad ula fariistaan madaxweynaha Mareykanka 39 kadib.

Maandeeq Xaaji Cilmi, oo u ololeysa arrimaha haweenka oo iyadana goobta ka hadashay ayaa waxaa ay qabtaa in raggu ku fashilmeen hoggaanka dalka 30-kii sano ee la soo dhaafay, lana gaaray xilligii ay hoggaanka u ogolaan lahaayeen haweenka Soomaaliyeed.

Maandeeq Cilmi oo sii hadleysa “Ragga Soomaaliyeed, soddon iyo dhowr sano ee la soo dhaafay waxay rakaab ka ahaayeen tareen, waa mar ay qarka nagala dhacaan, mar ay geed afka noo geliyaan iyo mar ay badweynta dhex istaajiyaan, marka ragow waa inaad markiina isku deydiin in markiina aad rakaabkii noqotiin, furaha noogu dhiibteen Fowsiyo, oo aan aragno iney na geyso meel aan rajeynayo iney tahay barwaaqo, horumar, nabad iyo cadaalad”.

Dhankiisa, Prof. Xasan Sheekh oo isna goobta ka hadlay waxaa erayadiisa ka mid ahaa “Waxaan soo dhoweynayaa, taageerayaa, garab taaganahay Dr. Fowsiya iney isku soo sharaxdo, guuleysato, noqoto madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliyeed”.

Ugu dambeyntii, musharax madaxweyne Fowsiyo Xaaji Aadan oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay iney ka shaqeyn doonto helidda nabadgeliyo iyo xasilooni siyaasadeed “Dalkeennu waxaa uu u baahan yahay qofka helo cadaalad, horumar, dhaqaale iyo in qof weliba waxa uu yaqaano loo dhiibo. Dadkeennu waxaa ay caan ku yihiin firfircooni, adkeysi iyo feker miro-dhal ah marka ay ganacsi timaado, haddii la dhiirigeliyo waxaa hubaal in dalka uu heli doono horumar iyo maalgelin degdeg ah”

Waxaa ay Fowsiyo hadalkeeda kusoo gabagabeysay in Soomaaliya u baahantahay ladagaalanka musuq-maasuqa iyo iney tahay qof wax ka qaban kara, oo ka dhabeyn kara  adkeynta jiritaanka iyo horumarka Soomaaliya.

Goobjoog News