U bood dhigaalka

Fowsiyo Yusuf : "warbixinta Monitoring Group-ka waa been abuur"

Sheeko:War

Wasiiradii hore arimaha dibadda ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa beenisay warbixin horu dhac ah oo ay soo saareen kooxda lasocodka cunaqabateynta hubka ee UN Monitoring Group, taasoo sheegeysay in madaxweyne Xasan ,Fowsiyo Yuusuf iyo shirkad mareykan ah ay hanta dadweyne  lunsadeen.

Xildhibaan Fowsiyo waxa ay sheegtay in eedeymaha loo jeediyay eysan ku qotomin xaqiiqda, islamarkaana ay yihiin warar fadhi ku dirirada laga soo uruursaday, iyadoo xustay inay tahay markii 2aad ee iyada laga been abuurto taasoo ay horkacayaan koox ay sheegtay inay ku suganyihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Mar weliba waxa ay doonayan inay sharafta uga dhacaan Madaxda dowladda Soomaaliya dadka ama shaqsiyaadka ugu dhaq dhaqaaqa badan waxa ay ka hadleen guddoomiyihii hore ee bangiga dhexe Yusur Abraar oo iyadu mudo 4 maalmood ah xafiiskeeda joogtay, hase ahaatee kaddib warbixin been abuur ah oo aan cadeymo laheyn gudbisay” ayey tiri Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan

Fowsiyo waxa ay sheegtay ineysan jirin dhaqaalo si gaar ah iyadu meelo gaar ah ugu shubatay oo laga bixiyay qaar kamid ah dalalka Carabta, hase ahaatee sida laga dheehan karo warbixinta hoose waxaa dhaqaalahaasi amray in lagu shubo qasnadda ay maamusho Wasaaradda Maaliyadda SoomaaliyaRa’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Fowsiyo sheegtay iney cadeymo u heyso hufnaanteeda isla-markaana ay sharciga la tiigsan doonto Mr. chopra oo ah madaxa kooxda Monitoring Group-ka.

Xidhibaan Fowsiyo waxa ay intaa raacisay ineysan jirin sabab dhaqaale gacanta loogu geliyo, iyadoo intaa raacisay in cid aanan aheyn Bangiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda aan dhaqaale loo dhiibin.