U bood dhigaalka

Furitaanka Jaamacadaha Kahor, Digniin Ku Aaday Hirka 2aad ee COVID-19 

Sheeko:Amniga

Waxaa bisha 9aad furmaya jaamacadaha iyada oo lagu wado in areydu tagaan fasalada markii ugu horeysay muddo sanad ku dhow oo ay qaab online ah wax ku baranayeen.

Dalka UK, in ka badan hal milyan ayaa ku laaban doona jaamacadaha iyada oo la digay isku soo xoomidaasi iney keeno hirka 2aad ee COVID-19.

Jo Grady oo xogheyaha guud ee midowga jaamacadaha ayaa xukuumadda Ingiriiska ku eedeysay qorshe la’aan xillin xanuunka uu ku baahayo dhalinyarada dhexdeeda.

Soomaaliya oo ka tirsan dalalka uu saameeyey ayaa waxaa weli ka jirto cabsi, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa todobaadkan waxaa uu ka digay xanuunka isaga oo yiri “Khatarta weli waa jirtaa, waa in la feejignaado, lana raaco fariimaha xukuumadda si loo xakameeyo faafidda xanuunka”.

Jaamacadaha Soomaaliya ayaa furmi-doona dhowaan, waxaana la filayaa in ardeydu caadi u tagaan fasallada, taas oo u baahan qorshe dhinacyo badan si aanu mar kale usoo laaban COVID-19.

Goobjoog News