U bood dhigaalka

Fursadaha Lumay ee Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka

Sheeko:Dalka

Maanta oo kale 2013-kii, maamulka Obama waxaa uu si rasmi ah u aqoonsaday dowladda federaalka Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh in ay matasho dalka, labo sano ayaa laga joogaa maalintaa uu  Aqalka Cad  ogolaaday Villa Somalia.

Labo sano kadib, dowladda federaalka Loo lama dhaqmo si ka duwan sidii dowladihii KMG ahaa, hubka weli xayiraad ayaa ka saran, hey’adaha lacagta sida bankiga aduunka iyo IMF-ta iyo xitaa dowladaha deeqaha bixiya waxaa ay aamisan yihiin warbixinnada Monitoring Group-ka iyo in musuq ka jiro dalka!

Mareykanka waxaa uu si toos ah ula tacaamulaa maamul goboleedyada Soomaaliya, Aqalka Cad arrimaha Soomaaliya waxaa uu uga dambeeyaa AMISOM iyo xitaa wadamada dariska ah….Marka aqoonsigaa maxaa laga faa’iday?!

Sida ay sheegayaan aqoonyahanno Soomaaliyeed, Xasan Sheekh waxaa uu khasaariyay fursad uu xiriir soke kula yeelan lahaa Obama, xiriirka maalintaas la soo celiyay waxaa uu sugayaa haatan isbadalka ka dhalanaya Soomaaliya doorashada 2016-ka iyo in ninka cusub  ee Soomaaliya uu la yimaado qorshe ka duwan midka madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa.

Lataliyaha ra’isul wasaarahe Cumar Cabdirashid ee dhanka siyaasadda Dr.Maxamed Nur Gacal ayaa waxaa uu qiray in xukuumadda uu lataliyaha u yahay aaney ka faa’ideysan xiriirka ay dib u soo celiyeen Mareykanku , isagoo arrinkaas ku sheegay in ay aheyd fursad dahabi aheyd iyo in xiriirka Mareykanka uu  furo u noqon karay horumar siyaasadeed, amni  iyo mid dhaqaale ee dalka, lakin taasi aanay dhicin!

Gacal ayaa fursadaha la lumiyay waxaa uu ka tilmaamay: dowladda Xasan Sheekh oo qorshe la’aan ku dhacday,  xayiraada  hubka oo inta laga qaaday hadana dib loo celiyay taas oo saameyn ku yeelatay awoodda ciidankeena qalabka sida, dowladda oo ku guul-dareysatay in ay iska dhaqdo musuqa lagu sheegay iyo Soomaalida Mareykanka oo ka baaqsaday hanti badan oo dalka ay gelin lahaayeen iyo maalgeshi.

Da’ud Cabdi Qasim Salaad Xasan oo ah aqoonyahan  ku sugan Mareykanka ayaa sidoo kale ka waramay xiriirka Soomaliya iyo Mareykanka waxaa uu sheegay in Mareykanka uu aad u daneynayo dalka Soomaaliya.

Qaasim waxaa uu qabaa in Amniga geeska Afrika uu qeyb ka yahay Amniga Mareykanka, sidoo kale Aqalka cad waxaa uu loolan kula jiraa wadanka Shiinaha oo isku ballaarinaya Afrika, waxaa kaloo meesha ku jira heshiisyo dhaqaale uu Mareykanka u raadinayo shirkadihiisa Tamarta ee dalkaasi isagoo xusay in aan laga tagi Karin ahmiyadda marinka’baab Al-Mandab oo ah marin isku xira Afrika, Asia iyo Yurub.

Da’uud waxaa uu sidoo kale ku dhaleeceeyay dowladda Xasan Sheekh in aanay ka faa’deysan aqoonsiga la siiyay labo sano ka hor isagoo arrintaas ku sheegay qorshe la’aan dowladda heysata.

Da’uud Cabdiqasim waxaa uu qabaa in Soomaaliya uga baahantahay Mareykanka arrimo badan sida in si toos ah uu Mareykanka ula tacaamulo, in wax walbo oo Soomaaliya ku saabsan looga dambeeyo dowladda dhexe  iyo in cunaqabateynta hubka laga qaado si dalka u yeesho ciidan awood leh.

Maamulka Obama waxaa Bishan 12-keedii safiir u magacaabay Stephen Michael Schwartz, ninkan oo uu noqon doono safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, hadaba safiirkan cusub sidee looga faa’ideysan karaa? Yaase Ka faa’ideysanaya?

Waxaa hubaal ah in safiirkan cusub aanu shaqo badan la qaban-doonin dowladda Xasan Sheekh, waxaa kaloo muhiim in Mareykanka ay ka fakiraan in Howl-galkooda u badalaan safaarad rasmi ah oo ka howlgasha gudaha Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waa in ay qaadaa tillaabooyin muhiim ah sida: taageeridda hey’adaha dowliga ah ee dalka, in Soomaaliya yeelato ciidan awood leh oo bedela AMISOM iyo ciidamada kale ee xeebaheena jooga, in dalku yeesho Lacag iyo Bank dhexe oo xoog leh, awoodsiinta dowladda dhexe, in ciidamada ka socda wadamada dariska ku cadaadiso  in ay baxaan Soomalaiya iyo in dalkeena uu noqdo dalka cagahiisa isku taaga..Haddii kale sheekada Mareykanka waa qawda Maqashii, waxna ha u qaban!

Sooyaalka Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka 1991-kii kadib:

Burburkii Soomaaliya 1991-kii, Mareykanka waxaa dadkiisa ka gurtay Soomaaliya bishii January 1991 isagoo daad-gureeyay diblomaasiyiin iyo rayid ku sugnaa xarunta Siligga Mareykanka ee Xaafadda Madina.

kadib, waxaa dalka soo galay ciidamo nabad ilaalin oo Qaramada Midoobey ka socdey kuwaasi oo hogaaminayay  Mareykanka , muddo kadib howl-galkaas waxaa uu fashilmay markii ay isku dhaceen Mareykanka iyo Hogaamiye General Caydiid.

October 3, 1993: Ciidamada sida gaarka u tabobaran ee Maraykanka ee loo yaqaano Rangers iyo Delta Force ayaa isku dayey in ay qabtaan Jeneraal Maxamed Farax Caydiid kaasi oo la tuhunsanaa in uu ku suganyahay  Hotel Olympic ee xaafadda Howl-wadaag, balse dagaal halkaas ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo Caydiid, Mareykanka waxaa laga dilay 18 askari iyo in ka badan 70 halkaas ayaa lagu dhaawacay, Soomaalida waxaa la qiyaasaa in 500 ku dhinteen, halka  1,000 ka badana ku dhaawacmeen.

Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya  1994-kii bilo kadib markii 18 askari looga dilay dagaal dhex maray Mareykanka iyo Caydiid, waxa kale oo uu Maraykanka dalka kala baxay safiirkii u fadhiyey Soomaaliya Roberth Oakley.

Xiligaas wixii ka dambeeyay Mareykanka waa uu ka niyad goostey  Soomaaliya, Waxana uu kaliya u soo magacaabi jirey dublamaasiyiin darajadoodu hooseyso oo ah kaaliyeyaal inta badan fadhigoodu ahaa waddamada dariska ah.

La Dagaalanka Islaamiyiinta:

Mareykanka waxaa uu dib ugu soo laabtay dhacdadii September 11, 2001-dii iyo weerarkii lagu qaaday daarihii mataanaha ahaa ee Newyok, Mareykanka waxaa uu khatar u arkay islaamiyiinta Soomaaliya, maalintaas wixii ka dambeeyay waxaa uu Soomaaliya ka fuliyay weeraro iyo dilal qorsheysan sida dilal loo geystay hogaamiyeyaashii Al-shabaab  dilkii Aden Hashi Ceyrow ee May 1, 2008 iyo Axmed Godane ee September 1, 2014-kii iyo hogaamyeyaal kale…..Drones-ka  Mareykanka marka karta waxaa ay fuliyaan duqemo.

Soo Celinta Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka:

January 17,  2013: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safar ku tagay dalka Mareykanka, dowladda Maraykanka ay sheegtey in markii ugu horeysey ay aqoonsatay dowlad Soomaaliyeed oo rasmi ah oo Soomaaliya ka jirta.

Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa uu Mareykanka qaaday tilaabooyin kale sida Qaadidda Cunaqabadeyna Hubka  Soomaaliya  March 6, 2013 iyo Obama oo saxiixay in Taageero militari la siiyo Soomaaliya  April 1, 2013.

February 24, 2015, Obama ayaa safiir u magacaabay Katherine Simonds Dhanani taas oo markii dambe iska diiday jagadaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa May 5, 2015-kii u balanqaaday Mareykanka dhul KMG si safaarad uga dhigtaan,  xilligaas waxaa dalka booqasho ku jooray xogheyaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry .

January 12, 2015: Madaxweyne Obama waxaa safiirkiisa Soomaaliya u magacaabay Stephen Michael Schwartz.

Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News