U bood dhigaalka

Fursadaha Soomaaliya ee kamid noqoshaha xubinnimada ICD Ee Baarlamaanku Meel Mariyay

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa Sabtidii 6 Febraayo waxay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen kamdi noqosha Hay’adda ICD.
hadaba si ay Akhristayaashu u helaan faah faahin dheeri ah oo ku saabsan hay’adda iyo waxtarkeeda.,

Maxay tahay ICD ?

Waa Hay’ad hoos tagta Banki-ga Islaamka ee Horumarinta, waana hay’adda maaliyadeed oo caalami ah dhinacyo kala duwanna ka kooban, dantii laga lahaa ee loo aasaasana waxay ahayd Horumarinta Dowladaha xubnaha ka ah iyadoo la maalgalinayo ganacsiyada gaarka loo leeyahay oo la siinayo adeegyo maaliyadeed.

Ulajeedooyinka Hay’adda ICD

– qeexidda fursadaha ku jirta sektarada gaarka ah ee ka qeyb qaadan kara kororka dhaqaalaha, iyo inuu siiyo sektarada gaarka ah alaabo iyo adeegyada dhaqaale oo ballaaran.

-inuu dhiiri-galiyo horumarinta maaliyadeed ee Islaamiga ah iyo suuqyada dhaqaalaha.

Hawlgalka Hay’adda ICD & ganacsiyada gaarka ah ee ay Maalgaliso

ICD waxay bilowday howl-galkeeda July 2000 waxaana saldhigeedu yahay dalka Sucuudiga .

Hay’adda ayaa waxay maal-galisaa mashaariicda Beeraha ,dhismayaasha, waxbarashada, maaliyadda, kaluumaysiga , daryeelka caafimaad & Daawooyinka,shidaalka iyo gaaska,hantida ma guurtada ah , Teknoloojiyadda, isgaarsiinta , gacansiga gaadiidka,iyado dhalinta korortada, iyadoo hay’addu ay maalgalisay illa iyo hadda 30 dal oo xubin ka ah.

Fursadaha Soomaaliya ay ka heli karto Hay’adda

Hay’adda ICD ayaa la filayaa iney Soomaaliya ka gacansiiso arimo dhawr ah oo ay kamid yihiin :-

-kobcinta Private sector-ka hay’ada gaarka loo leeyahay iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka.

-Dowladda Soomaaliya waxa uu usooro galinayaa iney gacan weyn ka geysato horumarinta private sector-ka iyadoo la kaashaneysa xubnaha iyo dowladaha ku bahoobay Hay’adda ICD.

-ICD waxay Soomaaliya u soorto galineysaa in la helo ilo dhaqaale oo horseedaya horumarinta dhaqaale iyo oo horseeda kor u qaadista wax soo saarka iyo kobcinta gancsiga yar-yar.

-kobcinta ganacsigu wuxuu gacan weyn ka geystaa shaqo abuurka , gaar ahaan dhallinyarada,Private sector xoog leh wuxuu horseedayaa horumarinta dhaqaale iyo mid bulsho,waana arrin horseedi kartain waddanku xasilo.

Hadaba, hay’adda Hor-umarinta islaamka, waa mid ka qeyb qaadata hor-umarinta ganacsiyada gaarka, fursad shaqo abuur fiican u sameyn karta dhalinyarada, lakin waxaa ay ku xiran tahay sida looga faa’ideysto .

 

fcdf

g

 

Goobjoog News