U bood dhigaalka

G/sare Khaliif Idiris “Ammaanka Muqdisho Haloo Dhiibo Dad Qibrad u Leh”

Sheeko:Amniga

G/sare Khaliif Idir oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee dowladda ayaa sheegay in muhiim ay tahay in ammaanka Muqdisho loo dhiibo saraakiil iyo ciidan arrintaasi qibrad weyn u leh.

Idirs oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidan aan haysan la shaqeynta shacabka, ama garab aan ka haysan shacabka aanay shaqeyn karin.

Waxa uu tilmaamay in kala fogaanshaha ciidanka iyo shacabka ay tahay in aan la hayn sharci saxan oo cadaalad ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Khaliif ayaa tilmaamay in loo baahan yahay dib u habeyn ballaaran oo lagu sameeyo ciidamada sugaya amniga Muqdisho, iyaga dhexdooda wadashaqeyn ay dhexmarto, islamarkaana wixii sharciga qaba ay ula tagaan shacabka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News