U bood dhigaalka

G7 oo Beesha Caalamka ugu Baaqay Wax Ka Qabashada Xasuuqa Abiy Axmed ee Gobolka Tigey

Sheeko:Amniga

Kulanka kooxda G7 ayaa saacadihii tagay lagu soo qaaday xaaladda gobolka Tigreyga ee dalka Itoobiya isaga oo la dhalceeyey waxa ka socda.

Charles Michel  oo madax ka aha golaha Yurub oo arrintan ka hadlay ayaa sheegaya in xaaladda Tigreyga ay ku jirtay ajendaha G7.

Michil waxaa uu intaa raaciyey in lasoo qaaday qalalaasaha 7 bil jirsaday, waxashnimada, isir tirtiridda, ku tumashada xuquuqul insaanka iyo barakaca kumannaan aan waxba galabsan iyo weliba abaarta abid ugu darneyd ee gobolkaas ka dhacdo.

Ugu dambeyntii,  Charles Michel   waxaa uu sheegay in kooxda G7 ay ugu baaqeen caalamka in wax laga qabto dhibaatada ka socota gobolka Tigreyga.

Maamulka Abiy Axmed ayaa in ka badan 7 bil waxaa uu gobolkaas ka wadaa xasuuq ka dhan ah qawmiyadda Tigreyga isaga oo la kaashaday dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.

Goobjoog News