U bood dhigaalka

Gaadiid Ku Xaniban Jalalaqsi, Darawaladii waday Qaarkood Oo La Kulmay Dil Iyo Dhaawac (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gaadiid xamuul ahGaadiid waday raashiin Gar gaar ah ayaa ku xaniban degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan, ka dib markii raashiinkaasi ay ka qaadeen magaalada Muqdisho, waxaana darawaladii ay la kulmeen dil iyo dhaawac.

Waxaa la sheegay in gaadiidkaan ay ku xanibnaayeen deegaankaasi ku dhawaad 70 cisho, waxaana taasi ay keentay in darawalada ay halkaasi joogi waayeen ayna isku dayeen in ay gaadiid kale soo raacaan oo magaalada Muqdisho soo aadan.

Hase ahaatee gaariga ay soo wada raaceen darawaladaan ayaa la sheegay in jidka loo galay islamarkaana la rasaaseeyay, waxaana halkaasi ku dhintay mid ka mid ah darawaladii, Lix kale dhaawac ayaa soo gaaray, halka Laba kale ilaa iyo hadda nolol iyo geeri aan lagu hayn sida ay sheegeen qaar ka mid ah milkiilayaasha gaadiidkaasi oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho.

“Madaxweynaha iyo golaha baarlamaanka waxaan ka dalbaneynaa in ay arintaan soo fara geliyaan, gaadiidka aynu wadanay waxaa naga kireeystay dowladda, waxaa nalooga kireeyay anaga oo shacab ah in Buulo Burde aan Raashiin u qaadno, muddo 7 maalin ayaa nagula heshiiyay in aan kusoo laabano, jowhar ayaa 15 maalin nalagu haayay, hanala wado ayaan lahayn, hadana Jalalaqsi ayeey gaadiidka joogaan muddo 70 maalin ka badan ayaan halkaasi joognaa, rag ayaa dhintay, ragna wey dhaawacmeen mid ka mid ah darawalada waa uu dhintay, Lix waa dhaawac Afar ayaana liidata, Laba kale ilaa hadda ma hayno meel ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaan ka rabnaa dowladda in deg deg ay arintaan wax nooga qabato” ayuu yiri Cabdi Maxamed Warsame oo ka mid ah milkiilayaasha gaadiidkaan.

Raashiinkaan ay wadaan gaadiidkaan waxaa gar gaar ahaan u keenay dalka dowladda Turkiga, si shacabka dhiban loogu gurmado.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News