Gaadiid Xamuul Ah Oo Ku Xiyiran Hiiraan

Gaadiid xamuul ah oo aad u badan ayaa lagu soo waramayaa in xilligan ay ku xayiran yihiin inta u dhaxeysa B/weyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Darawallada gaadiidkan oo la hadlay warbaahinta waxa ay sheegeen in maamulka gobolka Hiiraan uu kusoo rogay lacag badan, iyaguna aanay awoodin bixinta lacagtaasi.

Waxa ay sheegeen in waddooyinka burbursan aan loogu dhisin qarashaadkii horey looga qaaday, haatanna la saaray culeys aad u badan.

Culeys weyn ayaa na saaran, lacagtaan ma ahan mid aan bixin karno, inaan safarkeenna sii wadanna waa uu inoo diiday maamulka gobolka Hiiraan

Dhanka kale, maamulka gobolka Hiiraan weli kama aanu hadal arrintan, iyadoo mas’uuliyiintan arrintan qaabilsan ay ka gaabsadeen ka hadlista waxa jira.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW