U bood dhigaalka

Gaadiidka Ka Shaqeeya Afgooye Iyo Wanlaweyn Oo Maalintii Labaad Shaqadii Joojiyey

Sheeko:Dalka

Maalintii Labaad waxaan shaqeyneyn gaadiidkii dadweynaha ee ka shaqeynayey wadada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, kadib cabasho ay ka muujiyeen Isbaarooyin yaalla halkaasi.

Darwallada gaadiidkan qaarkood oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda ay jidka fadhiyaan, islamarkaana ay dhacayaan gaadiidka iyo sidoo kale shacabka saaran.

Waxay tilmaameen in iyadoo aan la qaadin Isbaarooyinkaasi aysan marnaba ka shaqeyn doonin wadada, waxaana wadadaasi ay muhiim u tahay isku xirka dadka isaga kala gudba Shabellaha Hoose.

“Annaga waxaan shalay iyo maanta ku sugannahay Mukeyga Afgooye, ma shaqeyn doonno, isbaaro badan baa taalla, illaa Isbaaradan nalaga qaado meelna uma soconno, waxaan kaloo idiin sheegaynaa in dadka la dhacayo xitaa dadka haddii ay lugeynayaan la isbaareysanayo, sidaasi darteed annaga meelna uma soconno” sidaasi waxaa inoo sheegay mid kamid ah darwaladda shaqada joojiyey.

Dhanka kale Goobjoog News waxay xiriir la sameysay maamulka gobolka Shabellah Hoose si aan wax uga weydiinno cabashadan jirta balse waa ay ka gaabsadeen.

Goobjoog News