U bood dhigaalka

Gaadiidleyda Oo ka Cabanaya Waddada Isku Xirta Muqdisho Iyo Jowhar

Sheeko:Dalka

Roobabkii ka da’ayey maalimihii la soo dhaafay gobolka Sh/ dhexe ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka ee iskala kala goosha Muqdisho iyo Sh/ dhexe.

Waddada ayaa waxay ka go’antahay deegaanka Garsaalle, halkaasi oo ay biyo baaxad leh jiifaan, dadka Shacabka ayaa lug kumara waddada  maadaama uusan Isticmaali Karin gaadiidka.

Gaadiidleyda isticmaasha waddada isku xirta Muqdisho iyo Sh/dhexe ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ku qabaan maristeeda waxayna Jowhar iyo Muqdisho ay baabuurta u socodaan xilligan saacado dhan 6 saac, halka markii hore ay u socon jireen muddo dhan 3 saacadood gudaheed.

Goobjoog News