U bood dhigaalka

Gaalkacayo oo Lagu Qabtay Kulan Lagu Taageerayo Axmed Fiqi oo ah Musharax Maamulka Gobolada Dhexe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Axmed FiqiKulan maanta ka qabsoomey magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa lagu taageerey hawlaha maamul u samaynta gobolada dhexe iyo waliba musharaxa xilka madaxtinimo ee maamulkaasi Axmed Macalin Fiqi.

Waxaa kulanka ka hadlay Axmed Baasto oo horey usoo ahaa wasiir ka tirsan maamulka Galmudug, wuxuuna sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay musharaxnimada Fiqi.

Wuxuu ka sheekeeyey in Axmed Fiqi uu yahay saqsi u qalma in uu qabto xilka madaxnimo ee maamulada dhexe maadaa uu xilal badan soo qabtey, xilalka uu soo qabtay ayuu ku sheegey in uu soo noqdey safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Suudaan iyo waliba taliyihii nabad sugida qaranka.

Odayaal ka hadlay shirka ayaa iyaguna dhankooda ku baaqay in musharixiinta badan ay isu tanaasulaan musharixiinta tirada badan ee xilka isu soo taagay.

 

Dhageyso

Goobjoog News