U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Ciidamada DFS Oo Gacanta Ku Dhigay Waxyaabaha Maanka Dooriya

Sheeko:Dalka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo sidoo kale rag la sheegay inay ka ganacsanayeen.

Cali Naasir oo kamid ah saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka ee qaybta 21-aad ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan ay sameeyeen xalay saqdhexe, ayna soo qabteen maandooriye iyo rag bulshada ku dhex iibinayey.

Waxa uu tilmaamay Sarkaal Cali, in ragga ay qabteen ay ku wareejinayaan ciidamada ammaanka, isla markaana cid walba oo arrimaha ku howlan ay qaban doonaan.

“Sidaad aragtaan howgal aan xalay sameennay ayaan ku soo qabannay waxyaabahan maanka dooriya iyo raggan oo ka shaqeynayey, ciidamada waayadan amniga ayay ka shaqeynayeen, howlgalkana waa uu sii socon doonaa, amniguna waa uu sugan yahay” ayuu yiri Cali Naasir.

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maalmahan dambe waxay wadeen howlgallo ay ku xaqiijinayaan ammaanka, iyaga oo gacan siinaya ciidamada Booliiska isku-dhafka ah ee magaaladaasi ka howlgala.

Goobjoog News