U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Ciidamo Ka Tirsan Puntland Oo Gadooday

Sheeko:Dalka

Ciidamada Laanta Canshuuraha Gaalkacyo ee Puntland ayaa la sheegay inay gadoodeen islaamrkaana ay xoog ku qabsadeen xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo.

Ciidankaan ayaa markii ay la wareegeen halkaasi waxay joojiyeen dhammaan wixii shaqo ah ee halkaasi ka socotay, waxaana ay sheegeen in ay doonayaan mushaarkooda oo muddo Sanad ah ka maqan.

Mid ka mid ah ciidankii gadoodka sameeyay shalay ayaa u sheegay Goobjoog News in qoraallo badan ay gaarsiiyeen heer madaxweyne illaa heer guddoomiye gobol balse aanay jirin wax jawaab ah oo lasoo siiyey.

C/casiis Jaamac Nugaal oo ah guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo oo lasoo xiriiray Goobjoog News ayaa sheegay in la xalliyay ciidankii gadoodka sameeyaya.

Ciidanka ayuu sheegay in ay helaan mushaarkooda balse xuuquuq ka maqan ay jirto, sida ugu dhaqsiyaha badanna ay ku siin doonaan.

Inta badan ciidamada Puntland ayaan helin mushaarkooda, waxaana sidan oo kale horay u gadooday ciidamo ku sugnaa magaalada Boosaaso, iyo deegaanno ka mid ah gobolka Mudug.

Goobjoog News