U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Ciidanka Isku Dhafka Ah Oo Howlgallo Sameeyay (Dhageyso)

Sheeko:Amniga

Ciidamada Booliiska isku dhafka ah ee Puntland iyo Galmudug ayaa howllo ammaanka lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi waxay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalladan ayaa sheegay in ulajeedkoodu ahaa sidii looga hortagi lahaa falal amni darro oo ka dhaca magaaladaasi.

Korneel Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb oo ah taliye ku xigeenka Booliiska Galmudug ayaa sheegay in amniga ay ka shaqeynayeen kadib markii ay magaalada kusoo bateen dhaca loo geysto dadka shacabka ah.

“Ciidamada go’aan ayeey qaateen waxaan isugu nimid inaan ka hortagno falalka qaldan oo magaalada kusoo siyaadaya” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale, taliye Xabeeb ayaa ugu baaqay shacabka Gaalkacyo iney amniga kala shaqeeyaan ciidamada, isaga oo dhinaca kalena waalidiinta ugu baaqay iney ceshadaan carruurtooda amni xumida ka sameysay magaaladaasi.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Gaalkacyo kusoo badanayey falalka amni darro iyadoo dhac loo geysanayey dadka shacabka ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News