U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Galmudug iyo Puntland Oo Ganaax Kusoo Rogaya Ciddii Diido Qaadashada Shlilin Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Maamulladda Magaalalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland oo si wadajir ah Digniin uga soo saarey ciddii diida iney wax u iibiso Lacagata Shilinka Soomaaliga ah, taas oo Maalmahan dambe Suuqdayada Gaalkacyo ka socon wayday.

Duqa Degamada Gaalkacyo ee Galmudug Xiris Yuusuf Barre iyo Duqa Dhanka waqooyi ee Puntland Gaalkacyo Maxamuud  Yaasiin Tumey ayaa maanta si wadajir ah Kormeer ku tagey Suuqdayada Sarifka, maciisha iyo Xoolaha ee Gaalkacyo iyaga halkaas ganacsatada kula halday

Mas’uuliyiinta ayaa Markii Kormeerkooda ay soo dhammeeyen waxa ay saxaafadda kula hadlen Bartamaha Suuqa, iyaga soo sheegay in ay digniin u diyarayaan ciddii isku deyda in ay wax ku iibin waydo Lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo Labadii maalin ee la soo dhaafey laga diidey in wax lagu kala iibsado taasi oo caqabada ku Noqotey dadka danyartra ah.

Mas’uuliyiinta labada maamul ee Galmudug iyo Punrtland waaa ay ka digeen jahawareerka iyo brobogandada lagu abuuro bulshada ku dhaqan Galkacyo, taasi qofkii qal-qal geliyo la sheegay in la xirayo, lana ciqaabi-doonno.

Arrinta diidmada Shilin Soomaaliya ee ka dhacday Galkacyo waxaa ay saameysay badeecadaha, sarifka iyo xoolaha, lamana oga sida loo qaadan-doono amarka ka soo baxay maamulka.

Goobjoog News