U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Galmudug Iyo Puntland Oo Ku Heshiiyay Seddex Qodob

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Gaalkacyo lagu soo gebagebeeyay shirkii u dhaxeeyay maamullada Galmudug iyo Puntland.

Shirkani oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka socota dowladda iyo beesha caalamka ayaa laga soo saaray qodobo ka kooban illaa seddex qodob.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland, Raysal wasaare Sharmaarke iyo danjire Keating ayaa ka wada qeyb galay shirka.

Qodobada seddexda ah waxaa ugu muhiimsan in la kala qaado ciidamada isku horfadhiya galbeedka koonfureed ee Gaalkacyo si shacabku ay dib ugu soo laabtaan guryahooda magaaladaasi Gaalkacyo.

Qodobadani ayaa ka soo baxay:

  • Ciidamada la kala qaado sida ugu dhaqsiyaha badan
  • In La Magacaabo guddi laba dhinac ah oo arrinta kala qaadista ciidanka ka shaqeeya
  • In 20-ka bishaan la isugu tago magaalada Kismaayo si loo dhammeeyo waxyaabaha dhaliya dagaallada gobolka Mudug ku soo laablaabtay

Dadkii shacabka ahaa ee deganaa magaalada Gaalkacyo ayaa weli ku maqan dibadda magaaladaasi iyadoo ay ku heystaan xaalado dhanka nolosha ah oo adag.

Goobjoog News