U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Isku Socodka Dadweynaha Oo Dib Loo Furayo

Sheeko:Dalka

Guddiga nabadda ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay dib ugu furan isku socodka Koonfurta iyo Waqooyiga magaaladaasi.

Dadka iyo gaadiidka ganacsi ayaa maalmihii la soo dhaafay la diiday inay isaga kala gudbaan Koonfur iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay kala maamulaan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada Labada maamul ayaa Labada dhinac ee magaalada kala xirtay iyadoo arrintaas ay culeys ku noqotay dadka shacabka ah iyo ganacsatada.

Gaadiid sida shixnado ganacsi ayaa magaalada Labadeeda dhinac lagu celiyay, waxaana arrintani ay ka dambeysay kadib madmadow soo kala dhex galay maamullada Galmudug iyo Puntland.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumeey oo kamid ah guddiga nabadda ee Labada dhinac ayaa rajo ka muujiyay in adeegyadii iyo isku socodka magaalada ay dib u furmi doonaan.

Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa weli la yaaban waxa Labada dhinac kala xirey xilli uu jiro heshiis madaxda Puntland iyo Galmudug ka gaareen arrintaasi.

Goobjoog News