U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Kala Qaadista Ciidamada Puntland Iyo Galmudug Oo La Isku Fahmi La Yahay

Sheeko:Dalka

Gudiga Dhanka Galmudug u qabilsan wadahadallada lagu xalinayo Colaadda Gaalkacyo ayaa sheegay in la isku mari la’yahay In lakala Qaado Ciidamada Is Horfadhiya ee Puntland iyo Galmudug.

Kulamo ay yeesheen Guddiyada Labada dhinac ayaa kusoo dhammaaday is faham waa kadib markii la sheegay in la isku raaci waayey hanaan is faham ah oo ciidanka lagu kala qaado.

Puntland ayaa la sheegay iney aqbali weysay in ciidamada la kala qaado sida Goobjoog News u sheegay Suldaan C/naasir Jaamac Seed oo kamid ah xubnaha guddigan ee dhanka Galmudug.

Suldaanka ayaa sheegay in weli dhanka Puntland ay ka sugayaan iney aqbalaan kala qaadista ciidamada, inkasto weli kulmadan ay socdaan.

Dhanka Puntland weli kama aaney hadal waxa ka jira in weli dhankooda ay ka culstahay in la kala qaado ciidamadii ku dagaallamay Gaalkacyo.

Kulan ka dhacay 11-kii bishan magaalada Gaalkacyo ayaa hoggaamiyeyaasha maamullada Puntland iyo Galmudug waxay isku raaceen in wada hadal  lagu dhameeyo colaadda Gaalkacyo, islamarkaana la kala qaadi ciidamada Labada dhinac.

Goobjoog News