U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Maxkamad Xukun Ku Riddey Sideed Eedeysane (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Maxkamadda darajada Koowaad ee gobolka Mudug ayaa maanta oo Sabti ah waxay xukunno kala duwan ku riddey 8 qof oo dambiyo kala duwan ku eedeysanaa.

Kaaliyaha maxkamadda Maxamed Jaamac Diirshe ayaa ku dhowaaqay xukunkan dadkan eedeysan.

Waxay maxkamadda Afar qof oo ku eedeysan iney isbaaro dhiganayeen ku xukuntay min 2 sano oo xabsi ah, halka 4-ta kale ay ku eedeysnaayeen iney ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya mid kamid ah Lagu xukumay Labo sano oo xabsi ah, halka Seddexda kale lagu xukumay min Sanad iyo Lix Bi loo xabsi ah.

Maxkamadda ayaa dadkan la xukumay u sheegtay in muddo 30 cisho ah gudahooda ay racfaan ka qaadan karaan haddii aanay  ku qanacsaneyn xukunkaan.

Raggan ay maanta xukuntay maxakamadda Darajada Koowaad ee gobolka Mudug ayaa waxaa gacanta kusoo dhigey ciidamada ammaanka ee magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News

0004 0003 0002 0001