U bood dhigaalka

Gaalkacyo Oo Laga Soo Dhaweeyay Doorashadii Shalay Ka Dhacday Cadaado

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta laga soo dhaweeyay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud, taasi oo lagu doortay gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenadiisa.

Mas’uuliyiin ku sugan Gaalkacyo oo maanta u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay aad usoo dhaweynayaan doorashadaan oo ay ku sheegeen in ay tahay mid taariikh noqon doonta.

Gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Bile Diini Cali ayaa sheegay in doorashadaasi ay tahay mid ay sugayeen shacabka ku dhaqan gobalada Mudug iyo Galgaduud, isaga oo hambalyo u diray mas’uuliyiintii la doortay.

“Waxaan ku hamineynay in shalay oo kale aan aragno oo Galmudug Ballaarato, waxaana oran karaa waa maamul gobaleedka Soomaaliya maanta si cadaalad ah ku dhacday doorashadiisa” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Korneel Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb oo ah taliyaha Booliiska Galmudug ayaa isna dhankiisa waxa uu hambalyo u diray gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub ee Galmudug iyo ku xigeenadiisa, waxaana uu ugu baaqay mas’uuliyiintaan in shacabka ay ugu shaqeeyaan si daacad ah.

Taliyaha ayaa farxad ku tilmaamay in la wada qaato magaca Galmudug, isaga oo tilmaamay in shacabka iyo mas’uuliyiintooda ku sugan Gaalkacyo kaalintooda ka qaadan doonaan soo dhaweynta maamulka cusub.

Shalay Magaalada Cadaado waxaa lagu doortay gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Ku xigeenadiisa, waxaana bisha soo socota 4-teeda qorshaha yahay in la doorto madaxweynaha Galmudug.

Goobjoog News