U bood dhigaalka

Gaar Ah:- Puntland Oo Aqbashay Qaadashada Nidaamka 4.5

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa ogolaaday nidaamka doorasho ee 4.5 kadib dadaalo ay sameeyeen Turkiga, sida ku cad warqado ay heshay Goobjoog.

Ogolaashiyaha Puntland ayaa imaanaya kadib markii March 30 ay Garoowe gaareen Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olga Bekar oo ay wehliyaan wafti uu ka mid yahay Safiirkii hore ee dalkaas u fadhiyay Soomaaliya Cemalettin Kani Torun.

Dhowr kulan oo dowladda Soomaliya uga dhaadhicin lahayd Puntland arrinta 4.5 ayaa fashilmay, laakiin culeyska diblomaasiyadda Turkiga ayaa jilcisay mowqifka Cabdiweli Gaas iyo xukuumadiisa.

Warar diblomaasiyadeed oo ay Goobjoog News heshay ayaa sheegaya in Axadda lagu wado in ay Puntland gaaraan wufuud ka socota beesha caalamka uu horkacayo Michael Keating ergeyga gaar ah ee qaramada midoobay ee Soomaaliya.

April 10-keeda waxaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka dhaco shir ay dowladda ku sharixi doonto qaab loo hirgelinayo nidaamka 4.5 ee lagu dhisayo aqalka hoose halka Baarlamaanka federaalka arrintaas la horgeyn doono April 15-keeda.

Puntland ayaa diiday go’aan ka soo baxay shirkii January 26 ee sanadkaas kaas oo go’aan lagu gaaray in doorashada 2016-ka aqalka hoose lagu doorto nidaamka 4.5 arrintaas oo Puntland ay iska diiday.

Goobjoog News