U bood dhigaalka

Gaari Ay La Socdeen Ciidanka DFS Oo Qof Bajaajle Ah Ku Diley Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in gaari nooca loo yaqaan Cabdi Bilaha, ayna la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka uu jiiray Bajaaj uu saarnaa ruuxii kaxeynayey.

Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in uu dhintay Bajaajlaha, islamarkaana gaarigii Cabdi Bilaha ahaa uu qaaday meydka ninka dhintay oo uu la aaday dhanka Isbitaalka Madiina.

Gaariga wax jiiray ayaa si xowli ah ku socday, waxaana la sheegay in marxuumka dhintay uu gaariga cabaar ku jiiday laamiga.

Gaadiidka ay ciidamada wataan ayaa waddooyinka magaalada Muqdisho si xowli ah ku maraya, iyadoo sanadihii ugu dambeeyey ay magaalada kuso bateen mootooyinka loo yaqaan Bajaaj.