U bood dhigaalka

Gaari Ay La Socdeen Dad Shacab Ah Oo Lagu Rasaaseeyay Degmada Dharkeenley Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan islamarkaana saarnaa gaari ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen gaari kale oo ay saarnaayeen dad shacab ah kaasi oo marayey xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkeenley.

Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in ugu yaraan Seddex qof ay ku dhaawactay halkaasi.

Dableyda gaariga wadatay ayaa la sheegay in markii ay falkaan geysanayeen ay gaarigooda ku horjareen gaariga kale, kadibna markii ay rasaasta fureenna ay goobta isaga baxsadeen.

Maamulka degmada Dharkeenley weli kama aanay hadal weerarkaan, waxaana goobta gaaray ciidamada dowladda oo baaritaan wada.

Sabtidii shalay, sidan oo kale rag watey gaari ayaa waxay weerar ku qaadeen gaari uu lahaa guddoomiye ku xigeenka degmada Dharkeenley, waxaana halkaasi ku dhintey Hal qof.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News