U bood dhigaalka

Gaari Ay Wateen Askar Ka Tirsan AMISOM Oo 5 Qof Ku Diley Sh/hoose

Sheeko:Dalka

5 qof oo shacab ah ayaa maanta ku geeriyootey deegaanka Ceel-wareegow ee gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii gaadiid AMISOM la socdeen la jiirsiiyey hoy ay ku sugnaayeen dadkaasi.

Dadka dhintay ayaa isugu jirey Hooyo iyo wiilkeeda, Labo caruur ah oo ay ayeeyo u ahayd, iyo mid ilmo adeer la ahaa caruurteeda.

Abuukar Cali Cumar oo ah aabaha qoyskaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada AMISOM oo halkaasi qarax lagula eegtay ay iyaguna bilaabeen in aqalladii ay dadku deganaayeen ay gaadiid ku burburiyaan.

Qoyska ku dhintay arrintan dhammaantood waxa ay ku jireen hal aqal, sida uu inoo sheegay Abuukar Cali.

“Ciidamada AMISOM waxaa naloo sheegay in qarax lala soo eegtay, iyagana sidii ay u socdeen waxay soo aadeen aqalladeena oo baabuurtooda ayeey jiirsiiyeen, waxaa halkaas ku dhintey 5 qof oo xaaskeyga, wiil aan dhalay, ilmo aan adeer u ahay iyo kuwo aan awoowe u ahay ay ku jiraan, iyaga oo og in dad ay meesha ku jiraan ayeey gaadiidka geliyeen aqalladeena”

Falkaan ay AMISOM maanta ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose waxay ka dhigan tahay in gobolkaasi ay ku dileen 11 qof 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kadib markii habeenkii xalay ahaa ay qoriga Baasuukaha ku dhufteen gaari sidey qudaar oo dad shacab ah ay saarnaayeen, waxaana halkaasi ku dhintey 6 qof.

Goobjoog News