U bood dhigaalka

Gaari Ciidan oo Muqdisho Ku Jiiray Mooto Siday Gabdho Kusii Jeesday Goob Aroos

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil gaari maanta ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rakaab ah, kadib markii ay isku dhaceen gaari ciidan uu jiiray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah.

Shilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay jalka lagu mmagacaabo dhista Sii-Sii ee kuna dhow xarunta aargada degmadaas, waxaana wararku ay sheegayaan in gaari Cabi Bile ah uu dulmaray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen gabdho u socday goob uu Aroos ka jiray, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaaawac.

Mootada oo ay saarnaayeen Darawalka iyo laba gabdhood ayaa waxaa goobta ku geeriyootay gabar Gabar lagu magacaabi jiray Hani Cabdirisaaq Yuusuf, halka uu dhaawacyo soo gaareen Gabar lagu magacaabo Fardowso Weydoow iyo darawalkii Mootada, gaariga ciidanka ayaa dulmaray Mootada.

Warar hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in gaariga jiiray Mootada uu la socday taliyaha Ammaanka degmada Deyniile, isaga oo goobta shilku ka dhacay isaga dhaqaaqay sida wararka lagu helayo, shilalka gaawaarida ciidanka ay geystaan ayaa inta badan ka dhaca caasimadda iyadoo waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka ah.

Goobjoog News