U bood dhigaalka

Gaari Ciidan Oo Qof Shacab Ah Ku Jiiray Muqdisho

Sheeko:Dalka

Gaari ciidan oo ah nooca loo yaqaan Cabdi Bilaha ayaa qof shacab ah wuxuu ku jiiray wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Qof ka dhowaa halka shilkan uu ka dhacay ayaa sheegay in gaarigan laga waayay Fariin (Bareeg) islamarkaana uu jiiray qofkan halkaasi marayey.

Gaarigan oo darbi galay markii Fariinka laga waayey ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Labo ka mid ah ciidanka dowladda oo gaariga saarnaa.

Darwallada gaadiidka ciidanka ayaa meel walboo ay marayaan gaariga u wada si xowli ah, waxaana xilli walbo imaan kara khasaare aan lasii saadaalin.

Goobjoog News