U bood dhigaalka

Gaarisa: ku dhowaad 10 ruux oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay goob ganacsi

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhaawacmay qarax xalay ka dhacay magaalada ku taalla Waqooyiga dalka Kenya ee Gaarisa.

Guddoomiyaha Gaarisa Rashid Khator ayaa sheegay in dhacdadaas ay dhacday abaare 7:30 fiidnimo waqtiga gudaha dalkaas, dadkii ku dhaawacmay ayaa dhamaantood la dhigay Isbitaalka magaalada, saddex ka mid ah ayaa xaaladooda aad looga deyrinayaa.

Khator ayaa yiri waxaa weerarka soo qaaday koox ilaa hadda aan la aqoonsan, waqtiga weerarku dhacay ayuu sheegay in dadku ay aad ugu mashquulsanaayeen ganacsi.

“Ilaa iyo hadda inagu ma garan kooxda weerarka ka dambeysay, balse waxaan u maleynayaa in ay Al-shabaab yihiin, ayuu yiri Guddoomiyaha Gaarisa oo Taleefanka ugu waramay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua.

Ma jirto cid sheegatay qaraxan.