U bood dhigaalka

Gaas:Booqashada ra’iisal wasaaraha waxa ay meesha ka saareysaa khilaafka

Sheeko:Dalka
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay booqashadii ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu ku tagay magaalada Garoowe mid meesha ka saari doonta mad madowgii u dhaxeeyay Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Madaxwayne Gaas ayaa sheegay in tani ay muujinayso in waxyaabihii Puntland ay ka tabanaysay dowladda Federaaalka Soomaaliya xal laga gaari doono.

Gaas waxa u rajo buuran ka muujiyay in dib uu u soo laabto xiriirka dowladda iyo maamul goboleedka Puntland.

Cabdiwali Gaas ayaa horay u sheegay dowladda Federaalka ee Soomaaliya in ay wax badan ka dabanayaan isla markaasna ay jecel yihiin in laga wada hadlo.

Maamulka Puntland ayaa horay ugu dhawaaqay shir lagu gorfeeyo khilaafka in la qabto kaas oo ay sheegtay in ay goobjoog ka noqon doonaan beesha caalamka.

Labada masuul ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Garoowe kaas oo ay ku gorfeyn doonaan arrimo ay ka mid yihiin yihiin shidaal qodista, Federaalka iyo deeqaha gargaarka.