U bood dhigaalka

Gaas: Dadweynaha Ha U  Diyaar Garoobaan Dagaal adag oo ka dhan ah Burcad Diimeedka ku soo Duulay Dalkooda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida uu sheegay xasuuqa loo geystay dad Muslimiin ah oo cibaadeysanaya, isaga oo tacsi u diray ehalada iyo dadkii ay ka baxeen ciidamada.

Dr. Cabdiweli  Gaas oo shir jaraaid qabtay ayaa shacabka Puntland ku wargeliyay in ay galayaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish.

Dadweynaha Puntland, Meel kasta oo ay joogaan In ay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah burcad diimeedka ku soo duulay dalkooda, waxaan ballan-qaadeynaa in dhulka yaga ka sifeyso Shabaab, Daacish iyo inta u soo gummaad tagtay”.

Dhinaca kale waxaa uu intaa ku daray inuu magacaabay guddi wasiirro ah oo soo qiimaynaya dhibka dhacay islamarkaana diyaarinaya sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadkii ay waxyeelo kasoo gaaray weerarkii sharwadayaashu kusoo qaadeen.

Goobjoog News