U bood dhigaalka

Gaas “Dalka Waxaa Gacanta Ku Haya Dowlad Goboleedyada”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda dhexe kaligeed aanay xukumin dalka, islamarkaana kaliya ay ku ektahay Muqdisho, dalka intiisa kalena ay xukumaan maamul goboleedyada.

Wuxuu sheegay C/weli Gaas in maamul goboleedyada aanay cidna marti uga noqoneyn danahooda, dowladda dhexena aanay hor istaagin karin danaha maamul goboleedyada waa sida uu hadalka u dhigaye.

”Dalka dowlad dhexe kaligeed ma xukunto, dowladda Xamar ayeey ku kooban tahay, hadii a aado Hiilweyne waxay ka tirsan tahay Hirshabelle, Jaziirana K/galbeed, dalka dowlad goboleedyada ayaa gacanta ku haya, mas’uuliyad ayaa naga saaran, taas ayaana na fareysa in aanan cidna magan uga noqon, cidna u hoos imaan wixii dan ah ee dowlad goboleedyada leeyihiin iyadoo Dastuurka aan ilaalineyno, dowladda Federaalka annagaa soo dhisnay” ayuu yiri Gaas

C/weli Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda ay farogelin ku sameysay maamul goboleedyada, qaarkood ay madaxdii xilka ka qaadday, taasi bedalkeedana wuxuu dowladda dhexe usoo jeediyey iney taageerto maamullada.

“Waxaa kamid ah waxyaabaha jira in Farogelin lagu sameeyo dowlad goboleedyada, Hebel baa la tuurayaa mid kale ayaa la tuurayaa, waqti badan ayaa la geliyey in dowlad goboleedyada dhismaan, dowladda dhexe waxaa laga rabaa in dhaqaale ku taageerto fikirna ku taageerto maamul goboleedyada, lama rabo in la carqaladeeyo ama la shideeyo” Gaas ayaa sidaasi yiri.

Waxaa jira khilaaf ka dhaxeeya maamul goboleedyada qaar iyo dowladda Federaalka, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu maamullada ku casuumay shir wadatashi ah oo magaalada Muqdisho ka dhacaya 28-ka bishan.

Goobjoog News