U bood dhigaalka

Gaas Oo Baaq u Direy Shacabka Puntland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntand C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqey shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo iney ka qeybqaataan u gurmashada shacabka abaarta ay ku hayso Puntland.

Waxa uu sheegay Gaas in xilligaan shacabka Puntland laga doonayo iney u midoobaan wax u qabashada dadka ku nool deegaannada ay abaartu ku dhufatey, wuxuuna hoosta ka xarriiqey in abaarta ay tahay mid u baahan gurmad dhan walbo leh.

Gaas ayaa u sheegay shacabka Puntland in muhiimadda ay tahay intii gurmad kale laga helayo in iyagu ay isku tashadaan oo wixii ay heli karaan la gaaraan dadka u badan reer Miyiga ee abaartu saameysay.

“Shacabka Puntland waa inuu u midoobaa wax u qabashada walaalhooda Miyiga ku nool ee abaartu saameysay, annaga kaalmo kale ma diideyno, balse inta kaalmooyin kale ka helayno waa inaan isku tashannaa oo dadkeena wax u qabannaa” ayuu yiri Gaas.

Deegaanno badan oo uu ka arrimo maamulka Puntland waxaa ka jira abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunya ku dhaqan halkaasi, iyadoo weli dadkaasi aaney helin gurmad ku filan.

Goobjoog News