U bood dhigaalka

Gaas Oo Ka Hadlay Muranka Kuraasta Aqalka Hoose Ee Sool Iyo Sanaag

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dalbadey in la caddeeyo kuraasta lagu muransan yahay ee gobollada Sool iyo Sanaag.

Waxa uu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ay magaalada Muqdisho u yimaadeen arrimo la xiriira kuraasta muranka uu ka taagan yahay.

Gaas ayaa sheegay in la doonayo in la caddeeyo haddii kuraasta Sool iyo Sanaag leeyihiin Dir Waqooyi, isagoo hoosta ka xariiqey caddeyn kadib in lasiin doono.

“Arrinta Xamar ku socota oo madaxda u tageen waxaan aaminsannahay ineysan sax ahayn qaabka arrintaasi loo wajahayo, haddii kuraasta leedahay Dir waqooyi waa la siinayaa sidaasi halagu dhowaaqo, marna iney yiraahdaan Sool iyo Sanaag waxay kamid yihiin Somaliland marna dhahaan kuraasta waxaa la sinayaa dir Waqooyo cidda Xamar joogta baa laga doonayaa iney is waafajiso” ayuu yiri Gaas.

Puntland ayaa ku doodeysa in saamigeeda ka hesho gobollada Sool iyo Sanaag oo lagu muransan yahay kuraastooda.

Goobjoog News