U bood dhigaalka

Gaas Oo Magacaabay Taliye Ciidan

Sheeko:Amniga

Wareegto kasoo baxday madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay taliyaha ciidamada keydka ee maamulkaasi.

Waxaa xilkaan loo magacaabay G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ).

Wareegtada hoos ka akhriso.

Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.