U bood dhigaalka

Gaas Oo Magacaabay Wakiilka Puntland Ee Finland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto ku magacaabay wakiilka maamulkaasi ee dalka Finland.

Cabdifitaax Cabdullaahi Jaamac (Janagale) ayaa loo magacaabay xilkaan, waxaana Gaas uu u rajeeyay shaqsigan inuu si hufan u guto waajibaadka la saaray.

Wakiilkan waxay shaqadiisa noqon doontaa inuu isku xiro dadka deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland, sidoo kalena wuxuu Puntland u qaban doonaa shaqo walbo oo dhanka Finland kaga xiran.

Hoos ka akhriso wareegtada

magacaabis-1

Goobjoog News